Taliyaha Ciidamada Booliiska Gobalka Bay oo Tababar usoo xirey qaar kamid ah Booliiska Gobalka Bay.Sawiro

Taliyaha Ciidamada Booliiska Gobalka Bay oo Tababar usoo xirey qaar kamid ah Booliiska Gobalka Bay.

Taliyaha Ciidamada Booliiska Gobalka Bay Aamiin Maxamed Daruur ayaa maanta tababar usoo xirey qaar kamid ah Ciidamada Booliiska Gobalka Bay kuwaasoo maalmahaan tababar lagu baranaayay xuquuqul insaanka uga socday magaalada Baydhabo.

Booliiska oo ah saaxiibka Bulshada marwalibana udhow qaybaha bulshada ayaa waxey tababarkaan ka barteen sidii ay marwaliba u ilaalin lahaayeen xuquuqda qofka Bani’aadamku uu leeyahey marka ay ku guda jiraan shaqadooda.

Waxaana tababarka iska kaashaday Taliska Booliiska Soomaaliyeed iyo Taliska Booliiska K/Galbeed oo gacan ka helaya qaar kamid ah Hay’adaha caawiya Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, Waxaana sidoo kale casharada tababarka bixinaayey macalamiin ka soctey Taliska Booliiska soomaaliyeed.
Waxaana xiritaanka ka qaybgaley masuuliyiin kasocotay wasaarada Amniga Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Taliska Booliiska, iyagoona kula dardaarmay ciidanka ka faaideystay Siminaarka inay sidii looga talagalay ay uqaataan bulshadana si wanaagsan ay ula dhaqmaan,
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga Isxaaq Baarow iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska gobalka bay G/dhexe Aamiin Maxamed Daruur ayaa halkaasi ka hadlay.

Qaar kamid ah Ciidamada Booliiska ee tababarkaan maalmahaan socday ka qayb qaatey ayaa ka hadley dareenkooda, iyo waxyaabihii ay ku barteen iyo sida ay uga dhabeynayaan ka faaideysiga casharka ay barteen.