Taliyaha Ciidanka AMISOM Oo Booqasho Ku Tagay Lixda Qeyb Ee AMISOM

Taliyaha Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya Diomede Ndegeya, ayaa soo gabagabeeyey booqashadiisii isbarasho ee uu ku soo kala bixiyay dhammaan lixda waaxood ee AMISOM,

Booqashooyinkii ugu dambeeyay ayuu maalinimadii Arbacda ku tegey waaxda labaad iyo lixaad, ee Dhoobley iyo magaalo xeebeedka Kismaayo oo ah xarunta Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland.
Taliyaha Ciidamada AMISOm,waxa uu socdaalkiisa shaqo la xiriiray is-barasho iyo sidii loo dardargalin lahaa kaalinta waxqabad ee laga sugayo midowga ciidamada AMISOM ee ku sugan Gobolada Dalka oomaaliya.

Taliyaha ayaa horay u booqday ciidamada AMISOM ee ku sugan Beydhabo,Baladweyne,Jowhar,Gedo iyo kuwo kale