Taliyaha Ciidanka Asluubta oo ka hadlay sababta uusan uga qeyb galin dhaarta Qaateyna Shahaadada

Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub ) ayaa sheegay in uu xilkii Taliyaha Asluubta ku wareejiyay taliye kuxigeenkiisa.

Waxaa uu beeniyay  taliyihii hore ciidanka Asluubta  Inuu Diiday Dhaarta Xildhibanimo.

 

Waxaa uu sheegay in qaatay Shihaadada Xildhibaanimo islamarkaana maalmaha soo socda uu mari doono dhaarta.

 

Taliye Mahad ayaa sheegay in uusan dhaarta u diidin in uu sii heysto xilka taliyaha Ciidanka asluubta.