Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ka qeyb galay shirka guud ee Booliiska Caalamiga ah

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kaga qayb galay meertada 89-aad ee shirka golaha guud ee Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL.

General Xijaar ayaa dhawaan dalka France kula kulmay hoggaanka ugu sarreeya Boliiska caalamiga ah ee Interpol oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dhinac.