Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Baay Oo Tababar U Furay Cutubyo Ka Tirsan Ciidanka Booliska

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Baay Gaashanle Dhexe Amiin Maxamed Daruur ayaa in ka badan 80 Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska magaaladda baydhabo tababar uga furay

Ciidankan waxay tababarka ku baran doonaan Shaqada Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha , waxaana tababarkaani bixin doono Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Baay Gaashanle Dhexe Amiin Maxamed Daruur ayaa kula dardaarmay Ciidanka tababarka loo furay inay ka faa’iideystaan casharada kala duwan ee la barayo, isaggoo Macalimiinta faray in si hagar la’aan ah ay ugu faa’iideeyaan Ciidankaasi.

Tababarkan ayaa socon doona muddo maalo ah ayaa waxaa Casharo ka bixinaya Xubin sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Baay Gaashanle Dhexe oo si rasmi ah u furay tababarka ayaa ku boorriyay ka qaybgalayasha in ay ka faa’iideystaan fursaddan isla markana ay xirfadaha ay barteen u adeegsadaan in ay ku wanaajiyaan hawlaha booliska ee bulshadooda.

“Waxaad matalaysaan Soomaaliya oo dhan, gaar ahaan maamul goboleedka konfur galbed somaliya ,Xirfadaha aad halkan ka barataan waa in loo isticmaalaa bulshooyinka aad ka timaaddeen. Markii boolis ahaan tabaabar nala siiyo, waxaa aan awood u yeelaneynaa in aan saldhigyadeenna booliska ka qabanno hawlaha dhinaca dembi baarista, dabaggalka iyo xabbiska dadka la tuhmayo,” ayuu yiri Gaashanle Dhexe Amiin Maxamed Daruur .