Taliyaha Cusub Qeybta 60aad oo Xilka Si rasmi ah ula Wareegey SAWIRRO

Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 60-aad General Mohamed Sheekh Abdullahi ayaa Maanta si rasmi ah Xilka loogu wareejiyay,

waxaana Munaasabadda Xilwareejinta ay ka dhacdey Xarunta Taliska Ciidanka Qeybta 60aad ee Magaalada Baydhabo iyadoona uu ka soo qeyb galey Taliyaha Ciidanka lugta Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Abdihamiid Maxamed dirir wuxuuna Saraakiisha iyo Ciidanka Xoogga Dalka qeybta 60-aad kula dar daaramey in ay la shaqeyaan taliyaha cusub si kooxda Nabad diidka Al shabab looga sifeeyo Deeganada Koonfur Galbeed Soomaaliya.