Taliyaha CXDS ee Qeybta 60aad oo maanta ku soo laabtey baydhabo sheegeyna Howlgal kadhan ah Alshabaab SAWIRO

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaalieed ee Qeybta 60 aad Jenaral Mohamed Sheekh Abdullahi oo howlo shaqo ugu maqnaa Mudo Isbuubac ah Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Waxaana Taliyaha Garoonka Diyaaradaha ee Shaati Gaduud ku soo dhaweeyeen Saraakiil ka tirsan qeybta 60 aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan ee ka howlgala magaalada Baydhabo

Taliyaha iyo Wafdigiisa ayaa Degmada Xuddur mudo Isbuuc ah u joogey u kuur galida XAaladaha ay ku shaqEeyaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaliyeed ee ka howlgala aagaaasi Iyo sidii Gobolka Bakool oo ay go,doomiyeen kooxda Nabadiidka Alshabab looga sifeyn lahaa Tuuloyinka ay ku dhuumaleysaneyaan.

Dhanka kale Soo dhaweeyn ka dib taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janeraal Mohamed Sheekh Abdullahi oo Warbaahinta la hadley ayaA sheegey in dhawaan Guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka bilaaban doonaan Howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab.