Taliyaha Qaybta 21-aad ee CXD oo Kormeeray Saldhigyo ciidan oo ku yaala Gaalkacyo

hhhhhhhhhhhTaliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Genaral Cabdi Axmed Faadaco oo ay wehlinayaan Saraakiil kale ayaa kormeer howleed ku tagey qaar ka mida xeryaha ciidamada ee ku yaala magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Taliyaha iyo saraakiisha la socDAY ayaa ugu horeyn kormeerkooda ku tagey xerada ciidamada qeybta 21-aad , halkaasi oo ay ku sugnaayeen cutubyo ka tirsan ciidamada , waxaana uu taliyuhu uu halkaasi warbixino uga dhageystay saraakiishii ciidamada ee xerada 21-aad.

Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka oo la hadlay ciidamada ayaa waxa uu sheegay in wax badan laga qaban doono baahiyada ay soo gudbiyeen saraakiisha ciidanku.

Taliyaha qeybta 21aad ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa meelaha uu kormeeray xabsiga magaalada Gaalkacyo.