Taliyaha Qeybta 60aad Oo soo gaarey Baydhabo kuna dhawaaqay feejignaan dhinaca Amniga ah

Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Maxamed Sheikh Cabdullahi (Ciirow ) ayaa Maanta dib ugu laabtey Magaalada Baydhabo Xili safaro shaqo ugu Maqnaa Magaalooyinka Muqdisho Iyo Baraawe.

Intii uu ku sugnaa degmada Baraawe ayaa waxaa uu taliyaha kulamo la qaatay Saraakiisha guutada 6aad ee qeybta 60aad ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ee fa dhigooda yahay Baraawe ,Waxana ay ka wada Hadleen sidii loo xoojin lahaa wadaqa shaqeynta loona dar-dar gelinlahaa Howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha Qeybta 60aad Gen Maxamed Sheikh Cabdullahi (Ciirow ) oo Warbaahinta kula hadlay Baydhabo ayaa Ciidanka farey inay xoojiyaan howlgallada dalka looga saarayo Al-Shabab loogana baahan yahay in Ciidamada feejignaan dheeri ah muujiyaan.