Taliyayaasha Asluub iyo Booliska oo Xilalkii Laga Qaaday

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Genael Cusmaan Cumar Weliye iyo Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed  Sareeyo Guutte Guuto Xuseen Xasan Cisman  Laga Qaaday Xilalkii Ciidamdaasi Iyadoo loo Magacbaay Masuuliyiin Hore

Wareegtada uu soo saaray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka looga qaaday Taliyaha ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cusmaan Cumar Wehliye (Gas-Gas) waxana booskiisa la magacaabay Sareeye Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo soo noqday wasiirka gaashandhiga Soomaaliya.

Waxana sidoo kale wareegtada xilka looga qaaday taliyaha Asluubta Sareeyo Guuto Xuseen Xasan Cisman iyadoona Xilkaas loo magacabay Janaral Bashir Axmed Salad Bashir Goobe oo horey u soo noqday Taliyaha Hay’ada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka.

Sidoo kale Goalaha wasiirada ayaa Kullan ay Shalay ku Yeesheen Magaalada Muqdisho Waxaa ay ku Meel Mariyeen Talilayaashaani