Tirada somalida ku xeran xabsiyada dalka masar oo sii korortay

April 28 (Radio Baidoa)-masarTirada Maxaabiista Soomaalida ah ee ku jirta Xabsiga Xadra ee dalka Masar oo dhaca fogaan 30KM meel u jirta magaalada Iskandariya in ay gaareen 180-maxabiis sida lagu sheegay warbixin ay daabacday mid kamid ah hay’adaha xaquuqda aadamaha u dooda.
Dadkaasi maxaabista ah ayaa la soo qabtay iyagoo doonayay in ay ka amba baxaan dalka Masar si ay u gaaran Libya halkaasina ay ka raacan doomaha wax tahriibiya si loogu jiheeyo Koonfurta Yurub,dacwad oogayaasha ayaa u soo jeediyay in ay yihiin kuwo sharci daro kusoo galay wadanka.
Warbixinta waxa ay leedahay in %80maxaabistaan aan wali sharciga la horkeenin balse qadiyadaasi ay xabsiga ugu jiraan.
Saraakiil lasoo xiganayo ayaa sheegay in maxaabista Soomalida ee ku jirta Xasiga Xadra ay wajahaan nolol aan wanaagsaneyn.
Waxaa xusid mudan in Soomali badan ay ku jiraan xabsiyada caalamka kuwaasi oo siyaabo kala duwan ugu eedeysan dambiyo.