Trump oo ka digay “Qalalaase” haddii uu xisbiga dimiqraaddiga guuleysto

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka digay in qorsheyaashiisa si “Qalalaase ah” loo burburin doono haddii ay xisbiga Dimuqraadiga ku guuleystaan doorashooyinka xilliga-dhexe ee dhacaya bisha Nofeembar.

Isagoo la hadlayay hogaamiyeyaal kaniisadeed ayuu sheegay in codeyntaas ay noqoneyso”afti” ku saabsan xorriyadda hadalka iyo diimaha, balse ay taas hadda carqaladeynayaan “dad qas wadeyaal ah”.

Wuxuu caawinaad ka codsaday wadaddada hogaamiya kooxaha masiixiyiinta ah, isagoo sheegay in hal cod uu uga harsanyahay in laga guuleysto oo ay “wax walba waayaan”.

Cod laga soo duubay kulan ay albaabbada u xirnaayeen oo uu Trump aqalka cad kula yeeshay hogaamiye diimeedyada ayaa si qarsoodi ah loogu gudbiyay saxaafadda Mareykanka.

Inta uu kulanka socday ayuu madaxweyne Trump wadaaddada kaniisadda u sheegay in doorashooyinka xilliga dhexe aysan ahayn afti isaga ku saabsan oo kaliya laakiin ay xitaa yihiin “kuwo iyaga diintooda quseysa”

Trump ayaa hogaamiyeyaashan ku boorriyay in ay saameyntooda u adeegsadaan shacabka ayna ka dhaadhiciyaan taageeradiisa.

Labo ka mid ah dadkii kulankaas ka qeyb galaya ayaa faafiyay codka madaxweynaha oo aysan markii hore ujeeddadiisu ahayn in bannaanka loo bixiyo, sida uu sheegay wariye ka tirsan warbaahinta NPR

Doorashooyinka xilliga-dhexe ayaa si weyn loogu arkaa in ay tijaabo u noqon doonaan taageerada uu heysto madaxweynaha.

Mr Trump ayaa la daalaa dhacayay eedeymo is daba joog ah tan iyo horaantii bishaan markii dambiyo lagu helay qareenkiisii hore iyo madixii ol’olihiisa.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa horay u dhaleeceeyay xisbiyada garabka bidix ee loollanka ku galinaya siyaasadda.

Maxay ka dhiganyihiin doorashooyinka xilliga-dhexe?Waa maxay doorashashada gelin-dhexaadka ee November ?

Trump laf ahaantiisa doorashada ma galayo, balse natiijada doorashada waxa ay aad u saamayn kartaa fulinta siyaasadihii uu ku ololeeyay iyada oo ay weli 2 sano uga dhimantahay muddo-xilleedkiisa.

Dhammaan 435-ta kursi ee Aqalka Congress-ka, iyo 35 kursi oo ka mid ah Aqalka Sare oo ka koonban 100 kursi, iyo 36 ka mid ah 50 barasaab ee gobolada Maraykanka ayaa lasoo dooranayaa.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa hadda ku tiro badan labada aqalba aqlabiyad ahaan, balse xisbiga dimoqoraadiga ayaa saadaalinaya in ay aqlabiyadda markale helaan.