Trump oo ku goodiyay in uu jari doono deeqda Falastiiniyiinta

Waxaa laga yaabaa in dawladda Maraykanku ay joojiso lacagta deeqda ah ee ay siiso Falastiiniyiinta “oo aan rabin in nabadda laga wada hadlo”, ayuu yiri Trump.
Trump ayaa Twitterka ku soo qoray in deeqda uu Maraykanku bixinayo uusan ku helin “ixtiraam iyo mahadnaq toona”

Wuxuu sidoo kale u aqoonsigiisii Qudus uu u aqoonsaday caasimadda Israa’iil uu ku sheegay in ay miiska wadahadalka nabadda “ka leexisay” arrintii kala qaybsanaanta wayn keenaysay.

Falastiiniyiinta ayaa sheegay in tallaabadaasi ay Maraykanka ka dhigtay mid aan dhexdhexaad noqon karin.

Tallaabadii bishii Disembar waxaa iyadana si wayn u cambaaraysay Qarammada Midoobay, iyadoo 128 dal ay ka soo horjeedsadeen tallaabadii uu Trump qaa
Madaxweynaha Maraykanka ayaa dabo socday hadal uu horray u sheegay oo ku saabsaa lacagta deeqda ah ee ay Pakistan siiyaan, taas oo uu ku sheegay in waxa Maraykanku uu ka faa’iido balaayiinta doolar ee deeqda ah ee uu bixiyo ay tahay “been iyo khayaano” oo kali ah.

“Pakistan oo kali ah ma aha dalalka aan bilaashka ku siino balaayiinta doolar” ayuu madaxweynuhu ku billaabay Twitterkiisa Talaadadii.