Turkiga oo qaaday xaaladda degdegga uu dalku ku jiray

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay iney qaadday dhammaan xaaladda degdegga ah uu waddanku ku jiray, oo laba sana ka hor dalka la saaray kaddib marki uu dhacay afgambigi dhicisoobay.

Inta uu dalku ku jiray xaaladda degdegga ah kumannaan qof ayaa xabsiga la dhigay ama shaqooyinkooda ku waayey.

hase yeeshee dowladda ayaa go’aansatay halka ay ku kordhin lahayn seddex bilood oo kale in gabi ahaanba xaaladda degdegga ah dalka laga qaado.

Go’aankan ayaa imanaya iyada oo ay dhowr toddobaad un ay ka soo wareegtay guushi doorashada ee madaxweyne Recep Tayyip Erdogan

Xilliga ay socotay ololaha doorashada waxyaabaha ugu horreeya ee ay xisbiyada mucaaradka marar badan sheegayeen ayaa wuxuu ahaa haddii ay doorashada ku guuleystaan iney xaaladda degdegga ah dalka ka qaadayaan.

Dad kabadan 107,000 oo hay’adaha dowladda u shaqeeynayey ayaa shaqooyinkooda laga eryey inta uu dalku ku jiray xaaladda degdegga ah, sida oo kale 50,000 oo qof dad ka badan ayaa xabsiyada la dhigay maxkamadna la soo taagay sida ay caddeeynayaan warbixinnada ka soo baxaya hay’adaha dowliga iyo kuwa aan dowliga ahayn.

Dadka shaqada laga fadhiisiyey ayaa intooda badan lala xidhiidhiyey wadaadka musaafiriska dalka uga maqan ee Fethullah Gulen, oo ku nool dalka Mareykanka horayna ay isku xulafa u ahaayeen madaxweyne Mr Erdogan.

Turkiga wuxuu Mr Gulleen iyo taageerayaashiisa uu ku eedeeyey iney ka dambeeyeen afgambigi dhicisoobay, balse wadaadku eeddaasi waa uu diiday.

Afgambigi dhicisoobay ee 2016-ka dhacay waxaa diyaarad lagu duqeeyey baarlamaanka waxaana lagu dilay in ka badan 250 qof.