Ururka Al-shabaab oo sheegtay mas’uuliyada Qaraxii maalmo ka hor ka dhacay Ex Kootarool Afgooye

Ururka Al-shabaab ayaa maalin kaddib sheegtay in ay ka danbeeyeen Qaraxii 28kii bishan Sabtidii ina dhaafay ka dhacay Ex Koontarool Afgooye.

Qoraal dhaw lagu baahiyay Bogga Ururka Alshabaab uu ku leeyahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in bartilmaameedka Qaraxaasi uu ahaa gaadiid ay la socdeen shaqaale Turkish ah iyo Ilaalo la soctay.
Laakiin waxaa sida aan looga baranin Alshabaab ay kaga hadleen khasaaraha kale ee soo gaaray dadka rayidka iyo dhmashadii baahsaneyd ee ka dhalatay Qaraxan marka laga soo tago shaqaalaha Turkiga ee ku geeriyooday.

Sidoo kale sheegashada Al-shabaab ayaa imaneysa xili isla maanta War ka soo baxay hay’adda Nabad-sugida Qaranka lagu sheegay in Qaraxaasi qorshihiisa laheyd dowlad shisheeye oo aysan magaceeda sheegin.