October 06 2015 ( Radio Baidoa) NATO ayaa si adag u cambaareysay diyaarado laga leyahay dalka Ruush-ka oo gudaha u galay hawada dalka Turkiga, xili ay duqeymo ay ka geysanayaan gudaha dalka Syria.
28-ka dal ee xubnaha ka ah NATO oo shir deg -deg iskugu yimaaday oo uuna shirgudoominayay Xoghayaha Ururka Jens Stoltenberg, ayaa waxaa ay ku tilmaameen mid aan la aqbali Karin. Xadgudubka Ruushka.
Wasaarada arimaha dibada dalka Turkiga, ayaa sheegay in ay u yeereen safiirka Ruushka, waxaana ay umuujiyeen AShtako.
Radio Baidoa
Waxaad Nagala Xiriiri Kartaa
hashimmalaaq@gmail.com