Vladamir Putin oo qad tareen u sameeyey gobolkii uu Ukraine ka goostay

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa furay qad tareen oo isku xiraysa gobolka Crimea, madaxweynaha ayaa u mahadceliyey shaqaalihii ka howlgalayay qadka tareenka.

Balse furitaanka ayaa isla markiiba waxa cambaareeyey midawga Yurub, iyaga oo ku tilmaamay “weerar kale” oo uu Ruushka ugu xad gudbayo qaranimada iyo dhulka Ukraine.

Buundadii ugu horreysay ee Ruushka iyo Crimea isku xiraysay ayaa la furay bishii May sanadkii la soo dhaafay.

Madaxweyne Putin ayaa xilligii la furayay buundada waxa uu munaasabadaas ku xusay inuu gaari ku wado buundada.