Waa sidee xaalada Magaalada Marko

Waxaa maanta xaalad deganaansho ah laga dareemayaa magaalada Maro ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii xalay fiidkii uu ka dhacay dagaal khasaare kala duwan geystay.

Ururka Al Shabaab ayaa xalay fiidkii waxa ay magaalada Maro ka weerareen dhanka Jillib-maro oo xigta magaalada Muqdisho, halkaasi waxaa ka dhacay dagaal xoogan oo ciidanka dowladda iyo Shabaab u dhaxeeyay.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku geeriyootey Saddex qof, iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay, sida masuuliyiinta Maamulka degmada Marko ay xaqiijiyeen.

Guddoomiyaha Marko Xasan Macallin Cumar oo la hadlay Idaacadda Radio baidoai ayaa sheegay in ciidanka dowladda ay ka warhayeen weerarka Al Shabaab, islamarkaana ay iska caabiyeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee maanta naga soo gaaraya magaalada Marko ayaa waxa ay sheegayaan in ciidanka dowladda ay ku daba jiraan raggii Shabaab ka tirsanaa ee xalay weerarka geystay.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalin ahor waxa ay magaalada Marko geysay ciidamo Boolis ah, kuwaasi oo sugidda ammaanka kala wareegaya ciidanka Millatariga oo 19-kii bishan la wareegay magaaladaasi.