Wabiga Shabeelle oo Affar qof qaaday

Wararka laga helayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Caawa ilaa Affar Qof uu qaaday fatahaada ka jirta Magaaladas.

Dad ku sugan Magaaladaasi Baladweyne ayaa waxaa ay sheegaya in dadka uu fatahaada Wabiga ku qaaday Xaafada lagu Magacaabo Nuur Xawaad ee Magaalada Baladweyne gaar ahaan Buunda labaad.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku daraya in Guddiga Gurmadka Fatahaada ay wadaan dadaalo ay ku baadi goobayan dadka ay qaadeen Biyaha fatahaadaha Wabiga Shabeelle ee Magaalada Baladweyne.

Arrintaan ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli weli Geeri yo Nolol lagu la’yahay qaar kamid ah Dadkii saarnaa doon Maanta ku qalibantay Magaalada Baladweyne