Wabiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyey demada mahadaay

Wararka laga helayo degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadihii la soo dhaafay uu Wabiga Shabeeelle ku fatahay Xaafado ka tirsan degmadaas.

Xaafadaha kala duwan ee degmadaas ayaa waxaa sawiro laga soo qaaday ay muujinayeen biyo farabadan oo dhex-yaalla,waxaana xirmay dhamaan goobaha Ganacsi ee degmadaas.

Dadkii ku noolaa degmada Mahadaay ayaa badi ka barakacay fatahaada Wabiga Shabeelle, iyaga oo aaday tuulooyin hoostaga degmada Mahadaay oo weli uusan wabiga ka fatahin.

Mas’uuliyin uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa tegay degmada Mahadaay,waxaana uu sheegay in degmada ay ka jiraan dhibaatooyin farabadan oo uu sababay fatahaada uu sameeyey Wabiga Shabeelle.

Waxaa uu sheegay in Maamulka Hir-Shabeelle uu dadkaasi gurmad u sameyn doono, isaga oo sidoo kale ugu baaqay dowladda Federaalka iyo Madaxda kale ee Hir-Shabeelle in dadkaasi u soo gurmadaan.

Marka la gaaro xilligaan oo kale ayaa waxaa fatahaad kala duwan uu sameeyaa Wabiga Shabeelle ee mara gobolada Hiiraan,Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose,waxaana uu saameyn ku yeeshaa dadka Shacabka ah ee ku nool deegaannada Goboladaas.