Wadooyinka Magaalada Muqdisho Oo Saaka Xiran.

xirCiidamada Dowlada Soomaaliya oo isugu jira Nabad sugid iyo Boolis ayaa saakay xiray wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan isgoyska Soobe ilaa iyo madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidamada ayaa dadka iyo gawaarida ku amraya inaysan wadada isticmaalin,islamarkaana taa badalkeeda dadka iyo gaadiidkaba ay isticmaalayaan wadooyin qarja-jeex ah oo xaafadaha ku dhexyaala.
Laakiin si dhab ah looma oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysay in la xiro wadada halbowlaha u ah ganacsiga magaalada Muqdisho,waxaana xirnaashaha wadada saameynta ugu badan ku yeesheen ardayda aadeysa goobaha waxbarasho sida Jaamacadaha.