Wadooyinka Muqdisho oo dib loo furay

Waxaa dib loo furay guud ahaan wadooyinka Magaalada Muqdisho, kadib markii uu is casilay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ayaa xalay saq dhexe xiray wadooyinka Magaalada Muqdisho, maadaama la filayay in maanta uu dhaco kulanka Baarlamaanka oo codka kalsoonida loogu qaadi lahaa Gudoomiye Jawaari, balse inta uusan kulanka furmin is casilay.

Ciidamada ayaa laga qaaday wadooyinkii ay xireen, waxaana hada dib u soo laabtay isu socodka gaadiidka dadweynaha oo maalmihii dambe la kulmayay culeysaad ku aadan wadooyinka oo si joogto ah loo xirayay.

Shacabka Muqdisho ayaa dhibaato adag ku qabay xaaladaha cakiran ee ka taagnaa wadooyinka Magaalada tan iyo markii 14-kii Bishii March uu soo bilowday arrimaha la xiriira Mooshinka Gudoomiyihii Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).