Wadooyinka qaar Muqdisho oo maanta xiran

A barricade mounted by Somali policemen is seen along a road which was blocked to control motor vehicle traffic, during a security lock down in Somalia's capital Mogadishu, February 7, 2017. REUTERS/Feisal Omar

Qaar ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho, ayaa saaka xiran waxaana lagu arkayaa ciidamada dowladda qaybahooda kala duwan oo taag taagan.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xiray Isgoyska Tarabuunka ilaa iyo Isgoyska Black Sea ee degmada Hodan.

Ciidamada NISA ee goobahaasi Koontaroolada ku leh ayaa gaadiidka yar yar iyo mootooyinka Bajaajta u diidaya inay maraan wadada, waxayna u sheegayaan in wadada ay tahay mid xiran.

Qaar ka mid ah Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa lugeynaaya Wadooyinka dhexdooda.

Ciidamada Ammaanka ayaa xataa diidaya in dadka Shacabka ay maraan Isgoyska Tarabuunka ee Muqdisho.

Ilaa iyo hadda lama ogga sababta loo xiray wadadaasi oo ah mid muhiim u ah isku socodka Gaadiidka Muqdisho.