Wafdi Dhakhaatiir ah oo maanta gaarey Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland waxaa Maanta gaaray Dhakhaatiir ka socota howlgalka Maraykanka ee AFRICOM, iyada oo halkaasi lagu soo dahweeyey.

Wasiirka Caafimaadka Jubbaland Mursal Maxamed Khaliif iyo Agaasimaha Isbitaalka Kismaayo Xuseen Sheekh Qaasim ayaa Dhakhaatiirta kusoo dhoweeyey Isbitaalka islamarkaana uga warbixiyey xaaladda uu ku shaqeeyo.Xubnahaan ayaa waxaa ay booqdeen Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, iyaga oo u Kuurgalayay xaaladda Isbitaalka Kismaayo uu xilligaan ku Shaqeeyo iyo baahida kajirta.

Dhinaca kale Dhakhaatiirta ka socota howlgalka Maraykanka ee AFRICOM ayaa dhanooda waxaa ay sheegeen in u jeedkoodu uu yahay qiimayn kadibna ay gacan ka geysan doonaan sidii Isbitaalka Kismaayo loo ballaarin lahaa looguna dhamaystiri lahaa dhammaan adeegyada caafimaad ee uu u baahan yahay.