Wafdi gurmad sida oo manta kuwajahan beledweyne

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo xubin ka ah Guddiga Qaranka ee gurmadka fatahaadaha ayaa sheegay in gurmad ballaaran uu Maanta gaari doono magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wasiirka oo ka waramayay xaaladda fatahaadda ayaa sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay aysan ka soo darin dhamaan deegaannada sidii ay ahayd 24 saac ka hor, isagoo xusay in goobta ugu qasaaraha badan ay tahay magaalada Beladweyne.“Ilaa iyo hadda waxaa ugu dhibaato badan oo qasaaraha ugu badan oo dalka ka dhacay ay tahay Degmada Beladweyne ee Gobolka Hiiraan, oo runtii dad gaaraya 300,000 oo qof dad ka badani ay ka qaxeen guryahoodii, dhamaan wixii ay heysteena ay ka baaba’een, oo ku sugan meel aad u kooban oo Beladweyne duleedkeeda ah’ ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Dowladaha Qatar, Turkiga iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa la sheegay in dhankooda ay gacan ka geysan doonaan kaalmo gaarsiinta dadku ay fatahaaduhu saameeyeen.