Wafdi ka socda Aqalka Sare oo soo gaaray Magaalada Baydhabo

Wafdi ka socda Golaha Aqalka sare oo ka soo maanta ka ambabaxay Garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa soo gaaray magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku meel gaarka Koonfur Galbeed,halkaasi waxaana si weyn u soo dhoweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Wafdigan oo ka kooban  toban Xubnood ayaa Baydhabo u soo gaarey in xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale madaxda Dowlad Goboleedyada dhexdooda raadiyaan,

Dhanka kale,Wafdigii ugu horeeyay ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u diro Dowlad Goboleedka Puntland shalayna gaaray magaalada Garowe ayaa maanta magaaladaasi waxay kula kulmeen madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas,Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,Golaha Wakiilada Puntland iyo waliba qaar ka mid ah Bulshada rayidka iyagoona kala hadlay arrimaha haatan taagan iyo sida ugu fudud ee lagu xalin karo.

Aqalka Sare oo gudanaya wajibkiisa dastuuriga ayaa u istaagay sidii loo heli lahaa isfaham iyo wada shaqeyn dhab ah.