Wafdi ka socda DFS oo ka qeyb-galaya Shir ka furmay Jabuuti

Waxaa Guriga Ummadda ee dalka Jabuuti Maanta ka furmay Shirka Madasha Aragti Wadaagga Soomaalida oo uu soo qaban qaabiyay Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan 150 ruux oo isugu jira Mas’uuliyiin ka socota dowladda Jabuuti, dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad deegaanka Soomaalida, Soomaaliland, Ururada Bulshada Rayidka iyo marti sharaf ka socota dhammaan deegaannada Soomaalida.

Ajandaha Sanadkan ee lagu lafa gurayo Madasha Aragti Wadaagga ayaa ah Kaalinta Soomaalida ee Nabadda Geeska Afrika.

Wafdiga dowladda Soomaaliya shirkaasi uga qyeb-galaya ayaa waxaa kamid ah,Wasiirka,Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad,Wasiirka Maaliyadda Cabdiarxmaan Ducaale Beyle iyo Xildhibanao katirsan Golaha Shacbaka.