Wafdi ka socda dowladda oo gaaray Jowhar

Wafdi hoggaaminaayo Wasiirka Dastuurka dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa goor dhow gaaray Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle.

Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa ka mid ah Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada ee Jowhar ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Waxaa lagu waddaa in ay kulamo kala duwan ay la qaataan qeybaha kala duwan ee bulshadda ee ku nool Magaalada Jowhar, islamarkaana ay kala hadlaan sidii loo dhameystiraa dastuurka qabyadda ah.