Wafdi ka socda dowladda oo Shir uga qeyb-galaya Itoobiya

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri ayaa maalintii labaad magaalada Addis Ababa,ee dalka Ethiopia, uga qeyb-galaya shir ku saabsan arimaha waxbarashada.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galaya wasaaradaha waxbarshada heer federaal iyo dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka banaadir,waxaana diirada lagu saarayaa Horumarinta waxbarashada Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri ayaa waxaa lafilayaa in uu kulamo kala duwan la qaato Xubno ka qeyb-galaya Shirkaas.