Wafdi ka socda Dowladda oo Shir uga qeyb-galaya Qatar

Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomalaiya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi kana kooban xubno ka kala tirsan labada Aqal ee BFS ayaa ka dagay Airporka Caalamiga ah Xamad ee magaalada Dooxa ee Dalka Qatar.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa waxaa si diiran u soo dhoweeyay xubno ka tirsan Golaha Shuurada Dowladda Qatar iyo ku simaha safiirka Soomaaliya u fadhiyay dalka Qatar.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisu waxay ka qayb gali doonnaan shirka 7aad ee Ururka Baarlamaannada Adduunka ee ka hortagista Musuq-maasuqa, shirkaas oo socon doonno maalmaha 9 iyo 10 Diseembar 2019.