Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo Shir uga qeyb galay Magalada Addis Ababa

Agaasimaha Guud Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Xasan Maxamed Saciid Samatar iyo Agaasimaha Waaxdka Yurub iyo Maraykanka, Cabdidaahir Cabdiraxmaan Cabdi ayaa Soomaaliya ku matalay Kulanka Farsamo 1aad ee Barnaamijka Amniga dalalka IGAD ee Qiimaynta Halista Qaraxyada ee Heer Gobobol (First Technical Committee Meeting of the IGAD SSP IED Threat Assessment).

Waxaa kulanka 1aad lagu qiimeeyay sida qaraxyada waxa loogu yeero argagaxisada u saamaynayaan dalalka IGAD, gaar ahaan Soomaaliya iyo Kenya.

Kulanka Farsamo 1aad waxaa shir-guddoomiye madaxa Barnaamijka Amniga IGAD (IGAD SSP) G/Sare Abebe Muluneh Beyene.

Dalalka kulanka ka qayb-galay waa Soomaaliya, Uganda, Kenya, Suudaan, Konfuurta Suudaan iyo Itoobiya, waxaana ka baaqday wadanka Habuuti oo kamid ah dalalka ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya.