Wafdi Ka Socda Puntland Oo soo Gaaray Magaalada Baydhabo

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladd Goboleedka Puntland Cabdi Casiis Cabdulaaahi Cusmaan iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa safar ku soo gaarey Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku meel gaarka ah Maamulka Koonfur-Galbeed Soomaaliya.

Safarka Guddoomiye ku xigeenka 1aad iyo xildhibaannadda Golaha Wakiillada maamul Goboleedka Puntland ee Baydhabo ayaa ah mid ay uga qeyb-galayaan Furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Koonfur-Galbeed.

Garoonka diyaaradaha ee Garoowe ayaa wefdiga Guddoomiye ku xigeenka 1aad waxaa ku soo sagootiyey Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaano, Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada iyo Saraakiil ka tirsan Baarlamaanka.

Horay waxa Baydhaba u soo gaaray Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana markii uu ka qayb galay shirkii muqdisho ka dhacay ee dowladda ferderaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka uu u amba baxay Magaalada Baydhaab, halkaasi oo uu kulan la yeeshay Madaxweynaha Maamulka konnfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Mxamed Lafta Gareen.