Wafdi Ka Socda Qaramada Midoobay Oo Gaaray Baydhaba

Waxaa Magaalada baydhaba oo xarun KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed soo gaaray wafdi ka socda Qaarmada Midoobay, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaaladaasi.

Wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka Qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa soo gaaray Baydhaba, waxaana socda wada hadalo u dhexeeya Madaxweynaha Koofur Galbeed Mudane C/casiis Xasan Lafta Gareen iyo Wakiilka Qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya.

Wafdiga ka socda Qaramaad Midoobay ayaa Maadxweynaha maamulka Koonfur galbeed kala hadlaya arrimo dhowr ah oo ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Marxaladda kala guurka ah ee uu galay dalku.

Si kastaba socdaalka James Swan ayaa kusoo aadaya iyadoo is mari waa xooggan uu ka jiro hirgelinta hannaanka doorashada, waxaana uu safaro ku tagi doonaa xarumaha Dowlad Goboleedyada, si xal loogu helo is mari waaga taagan.