Wafdi ka socday DFS Oo Maanta soo gaaray Baydhabo(SAWIRO)

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta soo gaaray Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha hay’ada batroorka ee dowlada federalka Soomaaliya Ibraahim Cali Xuseen, iyada oo siwyen loogu soo dhaweeyay.

Garoonka diyaaradaha Shaati gaduud ee Magaalada Baydhabo waxaa wafdiga kusoo dhaweeyay wasiiro, Agaasimayaal iyo qaar kamid ah Xildhibaannada Dowlad goboleedka koonfur Galbeed, iyada oo amniga Magaalada Baydhabo maanta si wyen loo adkeeyay.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka Maamulka Koonfur Galbeed Salmaan Shuceyb Cali ayaa sheegay in wafdigaan uu yahay safarkii ugu horreeyay uu ku tago Magaalada Baydhabo, isla markaana deegaano kale uu tegi doono.

Guddoomiyaha hay’ada batroorka ee dowlada federalka Soomaaliya Ibraahim Cali Xuseen ayaa sheegay in maalaha ay joogan Magaalada Baydhabo ay la kulmi doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Baydhabo, isla markaana ay kala hadli doonaan sidii looga faa’iideysan lahaa kheyraadka ku jira dalkeena.