Wafdi ka socdey Koonfur Galbeed Oo Gaarey Buur Hakaba(SAWIRO)

Wafdi heer Sare uu Hogaamiyo Wasiir Kuxigeenka Waxbarashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya Eng Abdifataha Isxaaq Maxamed oo qeyb ka ah Xildhibanad Bishaaro Cali Nur , Kormeeriyaasha Imtixaanka Wasaaradda Waxbarashada Dowlada Fedaraalka iyo Koonfur Galbeed ayaa gaarey Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Ujeedada Wafdigan Degmada Buur-hakaba u gareen ayaa ah sidii ay u geynlahaayeen Imtixaanka Si Ardeyda Degmada Buurhakaba dhibaato la’aan ay ugalan Imtixaanaadka Dugsiga Dhex iyo Dugsiga Sare.

Waxaa mahad balaaran iska leh Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Abdiaziz Laftagareen, oo suura geliyay, Ilaahay ka sakow, in imtixaanka la geeyo degmada Buur Hakaba. Madaxwaynaha waxa uu kaalin mug leh ka qaatay horumarinta Waxbarashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbed Soomaaliya ayaa Dadaal ugu jirta sidii guud ahaan Ardayda Koonfur Galbeed uu u gaari lahaa Imtixaanaadka Dugsiga Dhex iyo Dugsiga Sare ee ay qaadeyso Dowladda Fedaraalka Somaaliya.