Wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS oo Baydhabo Soo gaarey[SAWIRO

Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Dowlada Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Abukar Zubayr ayaa maanta waxaa ay soo gaareen magaalado Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Wafdigan oo ka kooban Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dastuurka heer Fedeeaal iyo Heer Dowladaha xubnaha ka ah federaalka ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Shaatigaduud ee Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

U jeedka wafdiga ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu sheegay in uu Maalinta Berito ah uu uga furmi doono Shir ku saabsan arrimaha Dastuurka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya.