Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiye Mursal oo Baydhabo soo gaarey

Wafdi uu hogaaminayo guddomiyaha golaha shacabka oo isugu jira Xildhibaano labada Aqal iyo wasiiro ayaa goordhaw soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

waxaana Garoonka diyaaradaha Shaati gaduud kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka oo saaka soo gaaray Magaalada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo ayaa la filayaa in 19ka Bishan lagu qabto Xaflad lagu xusayo Sanad guurada Xiligii la doortey hogaanka cusub ee koonfur Galbeed.

Wafdiga ayaa la filayaa in ay ka qeybqaataan xaflada lagu xusayo Sanad guuradan iyadoona sidoo kale la filayo maalinta berrito in ay soo gaaraan magaaladatan baydhabo wufuud kala duwan oo iyaguna ka qeybqaadanaya Xaflada Sanad guuradan.