Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray Bardaale SAWIRO

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goor dhow gaaray degmada Bardaale ee gobolka Bay.

Sababta uu u tagay ayaa ah qiimeynta Xaalada dadka ay saameeyeen daadadka ee ku sugan degmada Bardaale.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa Bardaale waxaa kaga sii horreeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo isna Saacado kahor gaarey halkaasi isaga oo u kuur galayey xaaladda Degmadaasi.