Wafdi uu Hogaminayo Wasiirka Warfaafinta oo Shir uga qeyb-galaya Talyaaniga

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir “ Maareeye” ayaa maanta u ambabaxay dalka Talyaaniga.

Wasiirka iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ayaa magaalada Milaano ee dalka Talyaaniga kaga qeyb galaya shir ku saabsan Ganacsiga Dalxiiska,kaasi oo mudo labo maalin ah socon doona.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa safarka uu ku aaday dalka Talyaaniga waxaa ku wehlinaya xubno uu ka mid yahay agaasimaha waaxda dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya.

Dowladda Talyaaniga ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya,waxaana dhowr jeer ay qalab kala duwan ku wareejisay ciidamada Booliska iyo Asluubta Soomaaliyeed.