wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha dowled goboleedka kgs ayaa maanata gaaray degmada Bardaale

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka K//Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Laafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanata gaaray degmada Bardaale oo ay dhowaan ka dhaceen fatahaado.

Madaxweynaha oo ay la socdaan Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan maamulka Dowlad Goboleedka K/Gabeed,waxaa degmadaasi ku soo dhoweeyay maamulka ,degmada Bardaale iyo shacabka ku dhaqan halkaasai.Booqashada Madaxweynaha K/Galbeed ayaa lala xiriiriyay u kuurgalidda xaaladda bini’aadanimo ee ka jirta degmadaasi iyo halka ay marayaan gurmadka loogu jiro samatabixinta dadka ay saameyeem daadadka ka dhashay fatahaadda