Wafdi uu hoggaaminaayo RW Kheyre oo soo gaaray Baydhabo

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta tagay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Kheyre Magaalada Baydhabo.

Sababaha uu u tagay ayaa ah in uu ka qeyb galo Aaska Hooyadda dhashay Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo shalay ku geeriyootay Magaalada Baydhabo.