Wafdi wasaaradaha Waxbarashada M/Goboleedyada ka socda oo Baydhabo soo gaarey.

Wafdigan ka socday maamul gobaleedyada dalka gaar ahaan wasaaradaha waxbarashada ee heer maamul gobaleed ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Baydhabo Shaati Gaduud International Airport ku soo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka koonfur galbeed oo uu ugu horeeyo wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee koonfur galbeed Maxamed Abuukar.

Wasiir Maxamed Abuukar ayaa sheegay u jeedka wasiirada waxbarashada maamul gobaleedyada ay u soo gaareen magaalada Baydhabo ku sheegay inay tahay ka qeyb galka shir looga hadlayo tayaynta iyo kor u qaadida waxbarashada guud ee dalka.

Maxamed Abuukar wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dowlad gobaleedka koonfur galbeed soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in shirkan uu noqonayo shirkii labaad oo ay isugu yimaadaan wasiirada waxbarashada dowlad gobaleedyada dalka ka jira.

Shirkan looga hadlayo tayaynta tacliinta sare ee dalka ayaa qeybtiisa lagu qabtay magaalada Dhuusa-mareeb ee maamulka Galmudug, iyadoona shirkan uu kaga duwan yahay shirarkii hore waxyaalo badan oo ay kamid tahay maamulka gobalka banaadir oo laga soo qeyb galiyay shirkan beri ka furmaya magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka koonfur galbeed soomaaliya.