Wafdi Wasiirka Arimaha Gudaha Koonfur Galbeed hogaaminayo Oo gaarey Degmada Waajid(SAWIRO)

Wafdi kale Oo uu hoggaaminayo wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Mohamed Abuukar Abdi oo ay ka mid yihiin Taliyaha qeybta 60 aad ee ciidanka xogga dalka ayaa gaaray Degmada Waajid ee Gobalka Bakool.

Wasiirka ayaa ka qeyb gali doona caleema saarka Guddoomiyaha cusub ee Degmada Waajid oo dhawaan lagu guuleystey in la dhiso Golaha deegaanka Waajid,

Wafdiga wasiirka ayaa horu dhac u ah wafdi Balaaran oo uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Abdiaziiz Hassan Mohamed Lafta-gareen,