Wafdi Wasiiro ah oo gaaray Beledweyne

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa Maanta gaaray oo lagu soo dhaweeyay inta badan Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Maamulka Hir-Shabeelle, kuwaas oo ku kala sugnaa Magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho.

Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne ayaa Xubnaha Wasiirada ah waxaa kusoo dhaweeyay Xubno ka tirsan labada Golle ee Maamulka Hir-Shabeelle, kuwaas oo horay u joogay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ukeedka Wafdiga Xubnaha Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle ay u tageen Magaalada Beledweyne ayaa waxaa lagu sheegay in Maalinta Berito ah uu halkaasi ka furmi doono shirka Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle, kaas oo looga hadlayo arrimo dhowr ah.

Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar ( Dabageed) ayaa kulan gaar ah waxaa uu kula qaatay Xubnaha Golaha Wasiirada Xarunta Gobolla, waxaana Magaalada Beledweyne laga dareemayaa u diyaar garoowga Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkaan looga hadlayo xaalada dalka iyo arrimaha doorashooyinka.