Wafdigii Beesha Caalamka oo kulan la yeeshay MW Somaliland iyo shirgudoonka BSLAND[SAWIRO]

Weftigii beesha caalamka ka koobnaa ayaa maanta la kulmay madaxweyne Muuse Biixi iyo labadda shirgudoon ee Baarlamaanka.

Madaxweyne Biixi ayaa xafiiskiisa ku qaabiley weftigan oo uu hogaaminayey safiirka midowga yurub Amb. Nicolas Belanga Martinez, kuwaas oo ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka golaha Wakiiladda iyo golaha Deeganka oo muran badani hadheeyey.
Weftigan oo u badan kuwo Somaliland ka caawiya dhinaca doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda ayaa culays badan ku saarayey madaxweynaha iyo xisbiyada mucaaradka inay fuliyaan go’aankii ka soo baxay ergadii dhexdhexaadisay dhinacyadii doorashooyinka ku hayey,isla markaana si dhakhso ah u dhamaystiraha qodobadii ay wada aqballeen saddexda xisbi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa u sheegay weftiga inay xukuumadda ka go’an tahay qabsoomidda doorashooyinku marka ay axsaabta qaranku isla meel dhigaan suurta-galnimada doorashooyinka farsamo ahaan iyo sharci ahaan, sidoo kale madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in gogoshii uu u fidiyey labada xisbi mucaarid ay halkeedii taallo.

Madaxweynaha waxa kulankaa ku wehelinaayey, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) shir-guddoonka guurtida iyo wakiillada iyo ku xigeenadooda, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax, Ahmedyaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Siciid Jaamac Cali, wasiirka horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, Md. Liibaan Yuusuf Cismaan, la-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Dr. Cismaan Sheekh Ahmed, la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Doorashooyinka Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse),

Dhinaca weftiga safiirka midawga yurub, Amb Nicolas Berlanga Martinez, waxa ku wehelinayey Safiirka Talyaaniga Amb. Alberto Vecchi, Safiirka Jarmalka Amb. Annett Guenther iyo masuuliyiin ka socday Netherlands, Finland, Poland, Austria, Denmark, UK, UNSOM iyo IGAD

Weftigan ayaa saddexda xisbi iyo xukuumadda culays ku saaray inay fuliyaan go’aamadii ay aqbaleen oo ah in komishankan cusub la kala diro iyo in komishankii hore dib loo soo celiyo si shaqado hore u bilaabaaan.