Wafuud uu hogaaminayo Qoorqoor oo soo gaaray Baydhabo+SAWIRO

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay kuso dhoweyey Wafdi uu Hogaaminayey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor.

Wafdigaan ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo laga soo doorto Galmudug.

 

Sababta ay u soo gaareen Magaalada Baydhabo ayaa lagu sheegay in ay tahay xal u helida khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka gaar ahaan cabashada maamulka Koonfur Galbeed.