Wakiilkiisa: Ashley Cole Dib Uguma Soo Laabanayo Horyaalka Ingiriiska In Crystal Palace Lala Xidhiidhiyaana Waa Ceeb

cole

Wakiilka xidigii hore ee xulka qaranka England iyo kooxda Chelsea ee hadda ka tirsan kooxda Roma ee Ashley Cole ayaa meesha ka saaray isla markaana ceeb ku tilmaamay inuu Cole dib ugu soo laabanayo kooxda Crystal Palace ee horyaalka Ingiriiska.

Ashley Cole ayaa lala xidhidhinayay inuu dib ugu soo laabanayo horyaalka ingiriiska waxaana la soo wariyay inay kooxda Crystal Palace xiisaynayso inay Cole dib ugu soo celiso horyaalka Ingiriiska.

Wakiilka Cole ee David Manasseh ayaa si adag u beenayay wararka Cole la xidhiidhinaya inuu dib ugu soo labanayo horyaalka ingiriiska.David Manasseh  ayaa yidhi”Ashley wuxuu jecel yahay nolosha Italy ee Rome, sida uu hadda u faraxsan yahayna waligii u muu farxin” wakiilka Cole ayaa sidan u sheegay the London Evening Standard.

 

“Qofkasta oo warkan bixiyay wuxuu sameyay ceeb, sababtoo ah waxay taageerayaasha kubbada cagta siiyeen rajo been ah.Ashley wuxuu diirada saarayaa inuu koobab kaga guulaysto Talyaaniga gaar ahaan horyaalka Serie A-da waxkale oo uu ka fikirayaana ma jirto”.

Cole ayaa xili ciyaareedkan kooxda Roma u saftay sideed kulan, Roma ayaana horyaalka ku caydhsanaysa kooxda Juventus, waxayna Roma u heelan tahay inay horyaalka kula tartanto kooxda Allegri ee Juventus.