War Deg Deg Ah Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daqiiqado kahor si rasmi ah ugu dhawaaqay R/Wasaaraha Somalia

Waxaa Daqiiqfgfggado yar kahor Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Seekh Maxamuud, uu ku dhawaaqay Ra’izul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo loo magacaabay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxaa goordhaw ka dhacday Munaasabad balaaran oo ay kasoo qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya, Gudoomiyaha Baarlamaanka , Masuuliyiin sar sare oo katirsan Dowlada iyo Xubno kale oo katirsan Beesha Caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidii la saadaalinayay Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya waxa uu u magaaabay Siyaasiga Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo hada ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya Mareykanka ,sidoo kale mar soo noqday R/Wasaarihii Dowladii KMG uu Madaxweynaha ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed.