War Deg Deg Ah Madaxweyne Xasan Sheekh oo Goordhaw u duulay Kismaayo iyo Xog ku aadan Ujeedka Socdaalkiisa

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xubno katirsan labada golle ee Dowlada Federaalka ayaa goordhaw ka duulay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyagoona kusii jeeda Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Magaalada Kismaayo waxaa kasocda Qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga uu Hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka Magaalada Kismaayo.

Masuuliyiin katirsan Maamulka KMG ee Jubba iyo dadwyne aad u tiro badan ayaa xiligan kusugan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo, kuwaa oo diyaar garow xoogan ugu jira soo dhaweynta Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xubnaha lasocda.

Madaxweynaha ayaa la filayaa marka uu Kismaayo gaaro in uu lakulmo Masuuliyiinta Maamulka KMG ee Jubba iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxaana madaxweynaha uu kala hadli doonaan Maamulka gacanta ku haya Gobolada Jubooyinka iyo Gedo, sidii loo xoogin lahaa xariirka kala dhaxeeya Dowlada Federaalka.

Warar hoose oo la helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu doonayo Maamulka Jubba Madaxdiisa sare in uu uga cudur daaro Masuulka ay rabeen in loo magacabao Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya oo suurtoobi weysay.

Maamulka Jubba ayaa dadaal badan u galay sidii R/Wasaare loogu magacaabi lahaa xuseen Cabdi Xalane oo kasoo jeeda Deegaanada Jubooyinka, waxaana Maalmihii lasoo dhaafay Kismaayo laga dareemayay dabaaldagyo ay maamulka iyo dadweynaha u sameenayeen Xuseen Cbadi Xalane oo safka hore uga jiray xubnihii u sharaxnaa qabashada xilka R/Wasaaraha Soomaaliya.