War Deg Deg ah Shirkii Garoowe oo lasoo Gabagabeyay

Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland oo muddo sadax maal-mood ah ka socdo shirka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ka jira.

Maanta oo ah maalin sabti ah ayaa lagu balan san yahay in magaaladaasi lagu soo gaba-gabeeyo shirkaasi ka socdo muddo sadax maal-mood ah.

Gaba-gabada ayaa lagu wadaa in war murtiyeed laga soo saaro isla markaana ay warbaahinta u aqriyaan guddiyo ka kala socda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada Kulan san.

Waziirka warfaafinta Soomaaliya Max’ed Cabdi Xayir Maareeye ayaa war kooban uu siiyey warbaahinta ku hadashada afka dowladda ku sheegay in war murtiyeedka ay soo wada saari doonaan goor dhaw madaxda kulantay isla markaana faafin rasmi ah lagu sameyn doono markii ay saxiixaan.

Puntland ayaa wali dhaliilo ka muujineyso qodobada qaarkood oo aysan wali ku qanac saneen maamulkaasi sida uu sheegay waziirka warfaafinta maamulkaasi.

Waxaa la wada sugayaa go’aanka kasoo baxo shirkaasi lagu soo gaba-gabeeyey Magaalada Garoowe una dhaxeeyey dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ka jira.